Qaramada Midoobey iyo Midoowga Yurub ayaa so dhaweeyey ansixinta Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke, waxayna ku baaqeen in Cumar uu soo dhiso xukuumad tayo leh, islamarkaasina dadka oo dhan ay ka wada dhex muuqdaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki Moon ayaa u hambalyeeyey Cumar Cabdirishiid, afayeen u hadlay xoghayahana waxa uu sheegey in Banki Moon uu codsaday in lasoo dhiso xukuumad wadaag ah.
Waxa kale oo uu xoghayaha sheegey in dhamaan dhinacyada ay ka wada shaqeeyaan sidii Soomaaliya u gaari lahayd nabad iyo isbadal siyaasadeed, islamarkaasina dhinacyada u noqon lahaayeen kuwa wada shaqeeya. “Waa in ay sii labo jibaaraan dadaalkooda ah in la dhameeyo qalalaase siyaasadeed oo markale soo laabta” ayuu yiri afayeenka Ban Ki Moon.



From the comments