Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke oo maanta la wareegey xafiiska ayaa sheegey muhiimadda ay leedahay in awoodda hoos loo daadajiyo illaa heer degmo, isaga oo dhaliiley in xitaa maamul goboleedyada hadda jira dadka hogaamiya ay iyagu soo doortaan dadka xilka qabanaya, shacabkana aysan wax soo dooranin, taasina aysan ahayn arrin federaalnimo ah.
Wuxuu sheegey in daadajinta maamulka ee laga hadlayo aysan kaliya ahayn dowladda dhexe , balse sidoo kale maamul goboleedyada loo baahanyahay in maamulka hoos loo daadajiyo, dadkana soo doortaan dadkii matali lahaa.
Cumar ayaa dhanka kale xukuumaddii hore ugu hambalyeey hawshii ay qabatay, isagoo sheegey in ay soo gaarsiiyeen meel laga sii wadi karo.



From the comments