Sanadka walba markii la gaaro bisha ugu dambeysa ee 12-aad ama December waxaa wal wal xoogan oo soo wajahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku haysta wadana Koonfur Afrika.
Sida dhacday sanado badan xilligaan oo kale waxaa la dilay dad Soomaaliyeed oo ganacsanayay, waxaana sidoo kale la boobay hanti aad u badan, taasi oo ah dadka Madoowga Koonfur Afrika oo raadinaya qarashaadkii ay ugu dabaal degi lahaayeen sanadka cusub.
Mid ka mid ah Soomaalida ku sugan magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wal wal xoog badan ay ka qabaan in lasoo weeraro goobahooda ganacsi.



From the comments