Maanta oo khamiis ah oo ay xilka kala wareegayeen Ra’isulwasaarihii Hore Cabdiwali Sheekh Axmed iyo kan cusub Cumar Cabdirishiid ayaa waxyaabaha ay ku kala wareegeen waxaa ka mid ah dokumeendiyo, balse qaab cusub oo horey aanan u dhicin ugu kala wareegeen.
Xasan Warsame oo ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa madasha ka sheegey in lagu kala wareejey cajalad ay ku jiraan illaa 50 gal oo mid kasta ay ku jiraan boqolaal duokumendi oo isugu jira waxqabadka dowladda iyo hindiso sharciyeedyo gaaraya 23 oo xukuumadda ay diyaarisey.
Wuxuu sheegey in hadda wax kasta laga dhigey nidaamka loo yaqaano Digital ee casriga ah, taasina ka dhigantahay in waraaqo badan iyo galal badan oo daabacan aanan lagu kala wareegin.



From the comments