Xukuumadda Waqtigeeda Dhamaaday oo Soo Bandhigtey Waxqabadkeedii (Dhageyso)
Xafladdii maanta ee xil wareejinta Ra’isulwasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed uu ku wareejinayay Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid ayaa waxaa xukuumaddii waqtigeeda dhamaaday kusoo bandhigtey waxqabadkeedii intii ay xafiiska joogtey. Sii…
Published December 25, 2014
Akhris 2 daqiiqo ah
Xafladdii maanta ee xil wareejinta Ra’isulwasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed uu ku wareejinayay Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid ayaa waxaa xukuumaddii waqtigeeda dhamaaday kusoo bandhigtey waxqabadkeedii intii ay xafiiska joogtey.
Sii hayaha wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Ducaale Aadan Maxamed oo ku hadlay magaca golaha wasiirada ayaa sharaxaad ka bixiyey wadar ahaan waxyaabaha ugu waaweyn ee u qabsoomey xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed.
Xagga Hiigsiga 2016-ka waxyaabaha u qabsoomay waxaa ka mid ah
Dhismaha maamul goboleedyada sida maamulka Jubbaland, kan Koonfur Galbeed iyo kuwa soo socda ee Gobolada Dhexe iyo Hiiraan oo iyagu hawshooda la bilaabay
Dhismaha gudiga madaxa banaan ee qabyo tirista dastuurka
Xukuumadda waxa ay la wareegtey gacan ku heynta 13 degmo , kuwaasi oo ka dhigan 80% dhulkii ku jirey gacanta Alshabaab markii ay xukuumadda xilka qabanaysay
Sameynta gudiga amniga ee golaha wasiirada
Dhaqangalinta qaraarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ee Tirsigiisu yahay 2124 kaasi oo ka hadlaya cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya
Uruurinta hubkii ku jirey gacanta shacabka, taasi oo waxbadan ka geysatay xasilinta nabadda caasimadda
Mideynta ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka
Magacaabista gudiga isku dhafka ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland
Xagga Garsoorka
Dhismaha garsoorka, iyada oo maxkamadaha la gaarsiin doono illaa degmooyinka
Magacaabista guddoomiyaha bangiga dhexe iyo sameynta gudiga dhexe ee bangiga ee bud-dhigayaasha ah
Xagga Arrimaha bulshada
Dib u hawlgalinta jaamacaddii ummadda
Dardargalinta qorshaha aadda dugsiyada ee xukuumaddii tan ka horeysey ay biloowdey
Dhismaha isbitaalka digfeer iyo kan xoogga dalka
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegey in xukuumadda ay diyaarisey wadar ahaan 23 hindise sharciyadeed, balse wuxuu carrabka ku dhuftey in faahfaahinta waxqabadka isaga oo qoran lasoo bandhigi doono marka wasaaradaha xilalka lagu kala wareegayo.
From the comments