Iyada oo illaa shalay la’isla dhexmarayay in dad ay waxyeelo kasoo gaartay biyo ay cabeen kuwaasi oo laga soo dhaanshay ceel Karaan ku yaala ayaa Goobjoog waxa ay xiriir la samaysay mulkiilaha ceelkaasi oo lagu magacaabo Calasoow.
Waxa uu sheegey in biyaha ceelkiisa ay nadiif yihiin, islamarkaasina isaga uu cuney cantadii lagu kariyey biyaha ceelka.
Waxa uu sidoo kale sheegey in maamulka degmada Kaaraan ay ceelka tijaabiyeen, islamarkaasina ay ogaadeen in biyaha ceelka aysan wasaqeysneyn.



From the comments