Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in garab buuxa ay siin doonaan caruurta agoonta ah ee ku nool magaalada Muqdisho, islamarkaana ay horumaro gaarsiin doonaan.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in agoonta hadda gacanta ay ku hayso hay’ad laga leeyahay dalka Qatar ay shaqooyin siin doonaan markii ay soo dhameystaan waxbarashadooda.
“Maamulka Gobalka Banaadir waxa uu idiin balan qaadayaa in markaad wax barataan shaqooyin idiin siiyo, waxaan arkayay agoon Sanad Ama Laba Sano Ka dib shaqeyn kara, markaad Jaamacadaha soo dhameysataan dowladda Hoose ee Xamar Shaqooyin ayeey diyaar idiin la tahay”Muungaab ayaa sidaasi yiri.



From the comments