Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax dhibaato ah aanay xilligaan lahayn in lagu kala aragti duwanaado arimaha siyaasadeed ee dalka, balse dhibaato ay noqoneyso in la xalin waayo.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in hadii madaxda ay kala aragti duwanaato micnaheedu aanay ahayn naceyb madaxda ka dhex bilawday.
“Kala Duwanaanshaha marna xumaan ma ahan, bini’aadam baan nahay, waan u oomannahay inaan kala aragti duwanaano, mishiin ma nihin oo la rabo in birahiisa aysan kala duwanaanin, kala duwanaansho ceeb ma ahan, laakiin waxa la rabo ayaa waxay tahay sidii aynu kala duwanaanshiyahaasi ku xalin lahayn, loona maro nidaamka saxda, markii ugu dambeysay waa tii la raacay, markii la raacayna waan aragnay guusha uu ku dhamaaday” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



From the comments