Illaa 41 odayaashii dhaqanka ee soo doortey maamulkii lixda gobo lee Koonfur Galbeed ayaa maanta ku dhawaaqay in ay si rasmi ah ugu biireen maamulka sedexda gobo lee Koonfur Galbeed.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale shirka ka hadlay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Odayaasha aya sheegey in markii hore lagu kala aragti duwanaa arrinta lixda gobol iyo tan sedexda gobol, balse hadda ay garoowsadeen arrintii sedexda gobolka islamarkaasina taageereen Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyaga oo ka codsaday hogaamin wanaagsan.



From the comments