War-saxaafadeed:- Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii fulaynimo ee dabley ka tirsan kooxaha Al-shabaab ay shalay ku qaadeen xerada Xalane ee ciidamadda midowga Africa ee Soomaaliya oo ku taalla Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn, Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay falkaas isagoona caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, wuxuna tilmaamay in kooxaha Al-shabaab marnaba ayan is hor istaagi karin hannaanka nabad ku soo dabaalidda dalka, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa walaalaha AMISOM iyo buslahada Caalamka inay ka hortagaan ficillada ay gaysanayaan argagaxisadu.
“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday xerada ciidamadda AMISOM ee muqdisho. Midowga Africa waa saaxiib aan leennahay oo gacan naga siiya sidii ay Soomaaliya markale cagaheeda isugu taagi lahayd, sidaa daraadeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ka xunyiin beegsiga xeradaas”



From the comments