
Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarkii shalay rag ka mid ah Al-shabaab ku qaadeen xarunta ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane.
Afhayeenka Ciidamadaasi Korneel Cali Aadan Xumud oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in weerarkaasi aanu saameyn ciidankooda, isalamarkaana diyaar u yihiin xilli walba in shacabka Soomaaliyeed iyaga oo u shaqeynaya ku dhintaan.
“Waxaan u joognaa Nabadda Soomaaliyeed, Dhimashada iyo Tirada Howsha meesha taalla ma ahan” ayuu yiri Afhayeen Xumud.



From the comments