Afayeenka wasaaradda amniga qaranka Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa saxaafadda usoo bandhigey 4 meyd oo uu sheegey in ay yihiin dagaalyahanadii Alshabaab ee weerarka ku qaaday xerada AMISOM ee Xalane.
Afayeenka ayaa sidoo kale sheegey in ay gacanta ku dhigeen 4 ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab ee xarunta weeraray, isaga oo sheegey in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hawlgalka ka qeybgaleen.
Mar uu ka hadlayay qasaaraha soo gaaray AMISOM ayuu sheegey in 3 ka mid ah dadka kookayaasha ah ee cuntada kariya iyo qof ka mid ah shaqaalaha rayidka garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ay ku dhinteen weerarka.



From the comments