Shalay waxaa adduunka meelo kala duwan laga xusey 10 sano guuradii kasoo wareegtey markii adduunka uu ka dhacay dhulgariirkii loogu magacdaray Sunaami.
Meelaha uu dhulgariirkani badda ka biloowdey ku dhuftey waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana arrintani falanqeeyey Ustaad Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog.
Isagoo la hadlayay barnaamij wareedka Goobjoog ee fiidnimo ayuu sheegey in 3 boqol oo kun oo qof ay ku dhinteen masiibada, 5 kun oo ka mid ah ay ahaayeen dad dalxiisayaal ah oo u dalxiis tagay xeebaha ay badda kusoo fatahday.



From the comments