Odayaal ka kooban beelaha wada dega gobolada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug oo maanta shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa sheegey in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.
Ugaas Axmed Daahir oo ka mid ah odayaashan shirey ayaa sheegey in shirkani uu yahay mid wada tashi ah, islamarkaasina wixii hadda ka horeeyey dadka deegaanka aysan isaga imanin in fikir mideysan ay ka qaataan shirka maamul u sameynta.
Waxa uu sheegey in halka shirka lagu qabanayo iyo qaabka wax loo dhisayo aysan ahayn wax u yaala beel gaar ah, tahayna wax beelaha walaalaha ah ee goboladaasi wada daga ay si wada jir ah oga arrinsadaan.



From the comments