U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Soo Dhaweysay Dadaalada Lagu Xalinayo Dagaaladii Ka Dhacay Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ahlu-sunnaMaamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay qorshaha lagu xalinaayo dagaaladii dhawaan degmadaasi iyo Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamo kala kala tirsan dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna.

Cali Baashi Aadan Diiriye oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Guriceel ee Ahlu-sunna ayaa isaga oo u waramay Goobjoog waxa uu sheegay in wax walba oo ku aadan nabadda ay qaadan doonaan.

Rajo ayuu ka muujiyay in ay guuleystaan gudigii dhawaan loo xilsaaray in ay xaliyaan dagaaladaasi, sidoo kalena ay soo baaraan wax walba oo keenay in la dagaalamo.

Cali Baashi ayaa dhanka kale soo hadal qaaday shirka dhawaan la filayo in uu ka furmo degmada Cadaado, kaasi oo maamul loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Maamulkaan la sameynayo ayuu sheegay in uu yahay kii isku keeni lahaa shacabka wada degan gobalada maamulka loo dhisayo, waxaana uu ugu baaqay dhamaan dadka wada degan Mudug iyo Gal-gaduud in dhankooda ay taageeraan maamulkaan.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee dhismaha maamulka gobalada Mudug iyo Gal-gaduud ayaa ka socda magaalada Cadaado, iyadoo siyaasiin badan ay ku qul qulayaan halkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News