Magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena waxaa ku nool caruur aad u badan, kuwaa oo Laba loo kala qaaday qaabka noloshooda, waxa ayna kala yihiin kuwo waalidkooda ama ehladooda la jooga iyo sidoo kale kuwo banaanka ku nool, loona yaqaan Darbi jiifka.
Caruurta waalidkooda la nool waxa ay badi helaan daryeel wanaagsan iyo waxyaabo badan oo aysan heli karin kuwa kale.
Caruurta qaar ee darbiyadda jiifa waxa ay cabaan moondooriyaha loo yaqaano Koolada, habeenkii dhaxanta ayaa dushooda ku dhacda, mana helaan daryeel caafimaad iyo sidoo kale cunto ku filan.



From the comments