Kulan uu yeeshey baarlamaanka ayaa lagu soo bandhigey hindise sharciyeedka gudiga doorashooyinka madaxa banaan kaasi oo hadda maraya akhrintiisii labaad.
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ah guddoomiyaha gudi hoosaadka baarlamaanka ee doorashooyinka oo gacanta ku hayay hindise sharciyeedka ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey heerarkii uu soo maray tan iyo markii hawshiisa la galay bishii lixaad ee sanadkan.
Xildhibaanka ayaa sheegey in khubaro caalami ah ay la tashiyo kala sameeyeen sharciga, isla markaasina gudbiyeen bishii june, iyada oo guddoonka uu dib sharciga ugu soo celiyey koowdii bishii Oktoobar, iyaguna ka guddi ahaan inta wax ka badaleen dib ugu celiyeen guddoonka isla bishaasi Oktoobar.



From the comments