Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa habeenkii xalay ahaa ku kulmay Madaxweynayaasha maamulada KMG ee Koonfur Galbeed iyo Jubba, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe kaasi oo arimo badan looga hadlay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray Shalay Kismaayo ayaa xalay magaaladaasi ku hoyday, waxaana kulamada xalay dhacay diiradda lagu saaray arimaha ku aadan amaanka iyo sidoo kale deris wanaaga Labada Maamul.
Xasan Xareed oo ka mid ah maamulka magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in kulamadaan ay kusoo gaba gaboobeen xalay jawi wanaagsan, sidoo kalena maanta ay jiraan kulamo kale.



From the comments