Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dhawaan uu soo dhisi doono xukuumad Tayo oo dalka ka gudbisa halka uu haatan joogo.
Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay munaasabad isaga lagu soo dhaweynayay oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu balan qaadayo in dalka uu gaarsiiyo hiigsiga 2016.
“Waqtigaan Xaadirka ah ee dalka uu arayo meel Isgoys ah, waxaa loo baahan yahay 20-ka bilood ee hartay in aan gaarsinno, hadafka la hiigsanayo ee 2016, waxaan idiin balan qaadi doonaa in intaas harsan aan kusoo dhiso xukuumad tayo leh, oo dalka ka gudbisa meesha uu taagan yahay, aniga oo la tashanayo madaxweynaha, xubnaha golaha baarlamaanka, Bulshoweynta Soomaaliyeed, insha Allah gacan gaar ahna siin doonta gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid



From the comments