Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabkii uu isku soo dhiibay Sakariye Ismaaciil Xirsi oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab.
Korneel Cabaas Ibraahim Gureey oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo oo u waramay VOA waxa uu sheegay in sakariye inta aanu is soo dhiibin ay iyagu gacanta ku qabteen.
“Waxaan ka war helnay sakariye in uu joogo meel Ceel-waaq ka mid ah, weerar ayaan halkaasi ku qaadnay, ciidamada ayaana soo qaabtay isaga oo hoy ku jiray, dadka ayaana inoo sheegay markii hore in rag Al-shabaab ah ay halkaasi ku sugnaayeen, markii gacanta lagu dhigay aan is wareysano ayuu yiri, oo ii geeya mas’uulkiina, sidaas ayaa la iigu keenay, inagu waan naqaanaa magaciisa, ragii lacagta la dul dhigay ayuu ka mid ahaa, si buuxdana gacanteena ayuu ugu jiraa, waxaana uu ii sheegay in uu baadi goobayay meel uu kala soo xiriiro madaxda dowladda, Al-shabaabna uu ahaa, balse markii dambe isaga uu baxsad ahaa, ilaa iyo xilligaanna uu raadinaayay raadka dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Korneel Cabaas.



From the comments