Dhismaha Isbitaal cusub oo laga dhisayo degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa la dhagax dhigay, kaas oo bulshada ku dhaqan degmadaasi loogu tala galay in uu ka haqabtiro baahida dhanka caafimaadka ah.
Munaasabadda Isbitaalkaan lagu dhex dhigayay ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmadaasi, Odayaal iyo Hay’adda Isbitaalkan halkaasi ka dhisayso, iyadoo sidoo kale laga war bixiyay inta qol ee uu ka koobnaan doono dhismaha Isbitaalkaan.
Dhismaha Isbitaalkaan ayaa ka koobnaan doona 25 qol iyo Laba Hool sida uu sheegay Cabdulaahi Yuusuf oo Ah wakiilka hay’adda dhismahaan filinaysa.



From the comments