Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Gudoomiyaha Baaramaanka Ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, iyaga oo arimo badan ka wada hadlay.
Kulankaan ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxa ay si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen, iyadoo hadalka uu ku hormaray Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Jawaari ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ay ka wada hadleen ahayd arinta ku aadan xiriirka Labada dala oo xilligaan meel wanaagsan maraya iyo sidoo kale salaan uu safiirka ka waday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Shiinaha.



From the comments