Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qahira ee dalka Masar ayaa kulan halkaasi kula yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-carabi, iyaga oo arimo badan ka wada hadlay.
Safiirka Soomaaliya u fahiya magaalada Qahira Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in arimaha laga wada hadlay ay ka mid ahayd helidda deeqaha Lacageed ee dalalka Jaamacadda Carabta ugu tala galeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
“Madaxweynaha Hadda wey is arkeen Nabiil Al-carabi, si wanaagsan ayeey u wada hadleen, Labada mas’uul waxa ay ka wada hadleen waxyabo badan, booqashadii nabiil iyo wafdigii la socday ay xamar ku yimaadeen, iyo helidda lacago horay dowladda loogu balan qaaday oo ilaa xilligaan la helin” ayuu yiri Safiirka.



From the comments