War-saxaafadeed:- Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Qaahira ka dib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkan Masar.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah, sii-heyayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Caddaaladda iyo Dastuurka, Maaliyadda iyo Tacliinta Sare.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira ku soo dhoweeyey Wasiirka Taclinta Sare ee Masar Dr Mohamud Abu Nasri, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Masar Cabdullahi Xasan Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.







From the comments