Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidaada Kenya ay la wareegeen gacan ku hayanta Sakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa Al-shabaab, kaa oo dhawaan dowladda Federaalka isku soo dhiibay.
Khaliif Nuur Xiireey oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in ay ka war heleen oo kaliya ciidamada Kenya oo watay sarkaalkaasi, waxaana uu tilmaamay in dhanka Wajeer ay la aadeen.
“Sakariye Ceel-waaq baa lagu sheegayay markii hore, aniga ma arag, meesha uu ka galayna ma arag, laakiinse waan maqlay, Ceel-waaq sida aan ugu ogeyn xalay Kenya ayaa wadatay baan maqalnay, Wajeer Baa laga qaadayaa ayaa la yiri, warar baa jira oo leh Muqdisho ayaa Loo qaadayaa, xoog ayeey ku qaateen, waana arin aynu la yaabannahay” Ayuu yiri Khaliif Nuur Xiireen



From the comments