Wakaaladda wararka ee France press waxa ay baahisay war ay ka soo xigatay golaha Kongareeska Maraykanka kaa oo sheegaya in duqeyn dhanka hawada ah Isnintii shalay ahayd lagu ba tilmaameedsaday Hogamaamiye ka tirsan Xarakada Al-shabaab meel u dhaw Degmada Saakow ee Gobalka Jubada Dhexe
Weli lama shacin Magaca Hogaamiyahaan ka tirsan Al-shabaab ee la weeraray iyo sidoo kale qaabka rasmiga ah ee weerarkaan loo fuliyay.
Sidoo kale War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay Ulajeedka bartilmaameedka weerarku in uu ahaa hogaamiye weyn oo Al-shabaab ah, lamana bixin faafaahin intaasi ka badan oo ku saabsan magaca iyo dhalshada hogaamiyahaasi.



From the comments