Goobjoog

Gabar Ardayad Ahayd Oo Lagu Dilay Degmada Dharkeenleey Ee Magaalada Muqdisho

Koox hubaysan ayaa maanta degmada Dharkeenleey gaar ahaan xaafadda Dabakaayo Madoow waxa ay ku dileen Gabar Ardayad ahayd, taas oo dhawaan ka qalin jabisay mid ka mid ah Jaamacadaha ku…

Koox hubaysan ayaa maanta degmada Dharkeenleey gaar ahaan xaafadda Dabakaayo Madoow waxa ay ku dileen Gabar Ardayad ahayd, taas oo dhawaan ka qalin jabisay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Gabadhaan ayaa magaceeda naloogu sheegay Maryan Axmed, waxaana markii ragaan hubaysan ay dilayeen la sheegay in wadadaasi ay maraysay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Dharkeenleey ayaa inoo sheegay in dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen ragii falkaasi ka dambeeyay.

Maamulka degmada Dharkeenleey weli wax war ah kama aanay soo saarin arintaan, hase ahaatee horay waxaa degmadaasi loogu dilay Laba Gabdhood oo sidaan oo kale Jaamacad uga baxay.

Dilalka loo geysanayo Gabdha aqoonta leh ayaa noqday mid kusoo laab laabtay magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments