Maamulka deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo balaaran oo ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaankaasi iyo deegaanada ku dhaw.
Axmed Aadan Maxamuud oo ah gudoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in howlgaladaan ay ka dambeeyay ka dib markii ay ka war heleen in halkaasi ay soo galeen rag ka mid ah Al-shabaab iyo sidoo kale dad la shaqeeya.
“Waxaan ka war helnay in Nabad diidka rag ka mid ah ay dhuumasho deegaanka kusoo galaan, sidoo kalena ay yimaadaan rag kale oo iyaga basaas u ah, dad badan ayaa qabanay kuwo kalena waan raadinaynaa” ayuu yiri gudoomiyaha deegaanka Goofgaduud ee gobalka Bay.



From the comments