Maamulka degmada Guriceel ee dowladda ayaa sheegay in Ahlu-sunna Waljameeca ay shuruud ku xireen ka mid noqoshada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Cabdulaahi Warsame Faarax oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa sheegay in ay sheegeen in ilaa iyo xilligaan aan laga soo bixin qodobo horay loogu heshiiyay, iyaga oo tilmaamay in ilaa shuruudaha laga fulinayo aanay ka laaban doonin go’aankooda.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka dowladda ee Guriceel ayaa sheegay in wafdi ka socda dowladda Federaalka ay u sheegeen mas’uuliyiinta Ahlu-sunna in diyaar loola yahay fulinta heshiiskii hore iyo sidoo kale kuwa hadda la gali doono.



From the comments