Warbaahinta ku hadasha afka dowladda, gaar ahaan bogga idaacadda Raadiyoow Muqdisho ee Radiomuqdisho.net oo soo xiganaysa warsaxaafadeed ay soo saartay hey’adda NISA ayaa hadda faafiyey in Zakakiye Ismaaciil uu ku jiro gacanta hey’adda nabad sugidda qaranka ee NISA.
Waxa uu warka beeninayaa warar saacadihii ugu dambeeyey ay warbaahinta si weyn u faafisey oo ahaa in Zakariye oo maalmo ka hor isa soo dhiibey ay la wareegtey dowladda Kenya.
Mar sii horeysey sida uu Goobjoog u xaqiijiyey sargaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Ceelwaaq oo lagu magacaabo Khaliif Nuur Xiireey, Zakariye ayaa waxaa la wareegey ciidamada dowladda Kenya.



From the comments