Hey’adda cunada adduunka WFP ayaa sheegtey in dalal badan ay si wanaagsan oga soo jawaabeen qeylo dhaan bishii hore u dirtey oo ahayd in raashiinkii la siinayay qaxootiga Soomaalida Kenya uu gabaabsi yahay, sidaasi darteedna gargaar lala soo gaaro.
Waxa ay hey’adda sheegtey in ay heshey lacag gaaraysa $45 malyuun oo doolar, taasina ay ka caawineysa in hey’adda dib u biloowdp raashiinkii ay kala bar dhintey ee la siinayay qaxootiga ku jira xeryaha Kenya.
Lacagtani ayaa waxaa kala bixiyey wadamada Sucuudiga, Denmarka, Maraykanka iyo Ingiriiska.



From the comments