Goobjoog

Musharax Kale oo Isu Soo Taagay Madaxtinimada Gobolada Dhexe

Waxaa sii kordhaya tirada musharixiinta isu taagaya madaxweynenimada maamul goboleedka gobolada dhexe oo lagu wado in shir lagu dhisayo uu furmo sanadka cusub ee 2015-ka. Maxamed Daahir oo ah wasiirka…

ximan iyo xeebWaxaa sii kordhaya tirada musharixiinta isu taagaya madaxweynenimada maamul goboleedka gobolada dhexe oo lagu wado in shir lagu dhisayo uu furmo sanadka cusub ee 2015-ka.

Maxamed Daahir oo ah wasiirka amniga ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa magaalada Cadaado oga dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweynenimo.

Wuxuu sheegey in la tashiyo uu la sameeyey maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kadib uu go’aankani gaaray.

Wuxuu balanqaaday haddii xilkani loo doorto in uu qaban doono dhamaan arrimaha loo igmado, kuna soo dabaali doono nabadgalyo.

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments