Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa loogu baaqay in wasiiro uu usoo magacaabo shaqsiyaadka kala yaqaan Bulshada Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda.
Muumin Gariig oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu ku taliyay in xilligaan Ra’iisul waaaraha uu aad uga fikiro cid walba oo wasiir uu ka dhigi doono.
“Waxaan usoo jeedinayaa Ra’iisul wasaaraha, maadaama mas’uuliyiintii ka horeeyay ay wasiirada ay magacaabeen aysan waxba u qaban dadkii loo soo soo magacaabay in ay wax u taraan , sidoo kale aysan aqoonin dhaqankii dadka, dana gaar ahna raadsanayay lana moodayay Dad dal usoo shaqo tagay, in hadda uu Ra’iisul wasaaraha soo magacaabo dad wax badan ka yaqaana dhaqanka iyo dalka si wax ay u bad baadaan” ayuu yiri Muumin Gariig.



From the comments