Wararka naga soo gaaraya deegaana Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka bilawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya beelo halkaasi wada dega.
Mar qura ayaa deegaankaasi waxaa laga maqlay dhawaqa rasaas aad u xoogan oo ay isku adeegsanayaan Maleeshiyo Beeleed halkaasi ku wada sugnaa, iyadoo ilaa iyo xilligaan wax qasaare ah aan lasoo sheegin.
Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Hiiraan Cabdirisaaq Al-cadaala ayaa soo sheegaya in ilaa iyo hadda aysan muuqan waan waan lagu doonayo in dhinacyadaan dagaalamaya lagu xaliyo.



From the comments