Axmed Macalin Fiqi oo haatan ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka la filayo in loo dhiso gobalada Mudug iyo Gal-gaduud ayaa faah faahin dheer ka bixiyay deegaano ka mid ah gobalada Mudug iyo Gal-gaduud oo uu sheegay in xaalad adag ay ka jirto.
Deegaanada uu tagay ayaa ahaa kuwo ku yaala meelo fog fog oo ka mid ah gobaladaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in indhahiisa uu kusoo arkay dad aan haysan wax ay cunaan ama ay cabaan.
Dadka qaar ayuu sheegay in biyaha ay u raadsadaan deegaano aad u fog fog, halkaasi ay kusoo arkeen dareen ka duwan kii hore ee ay heesteen.



From the comments