Maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa deeq lacageed gaarsiiyay qoysas caruurtooda dhawaan ku waxyeeloobay raashiin ay cuneen, kuwaas oo la sheegay in ay sumeysnaayeen.
Xubno uu horkaacayay gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasadda iyo amniga maamulkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa gaaray Isbitaalka INTERSOS oo ay ku jireen caruurtii sumoobay.
Waxa ay gaarsiiyeen lacag gaaraysa 10 Milyan oo Shilin Soomaali ah, waxaana ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan sidii dadkaan loo sii daweyn lahaa.



From the comments