Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay beelo wada dega deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa xalay dib uga dhacay deegaankaasi.
Dagaalkaan oo bilawday abaare Fiidkii xalay ayaa socday ku dhawaad Afar Saacadood, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii xalay ku dhintay Shan qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.



From the comments