Illaa 3 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay kadib markii lagu qaaday weerar xili ay biyo ka doonteen meel ceel ah oo ku yaala xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan aagga magaalada Raaskaanbooni.
“Askartani waxa ay biyo kasoo dhaansanayeen ceel biyo oo ku yaala tuulada Mungai, bariga degmada Lamu, kadib maleeshiyo hubeysan ayaa rasaas huwisey gaarigii waday askarta” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska degmada Lamu Ephantus Kiura.
“Sedex askari ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo daran, waxaana loo duuliyey saldhigga ciidamadda badda ee noogu dhow halkaasi oo lagu daweynayo” ayuu intaasi ku daray taliyaha.



From the comments