Goobta ay doorashada ka dhaceysay waxaa joogay mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale, waxayna doorashada u dhacday jawi aad u degan.
Doorashad oo ku dhacday qaab gacan taag ah waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed, waxaa fadhiga joogay 195 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaaka Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Gudoomiya Ku xigeenka koobaad waxaa u tartamayey Xildhibaan Guuleed Cabdi Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Ibrahim Beyle, Xildhibaan Guuleed oo guusha raacday waxaa uu helay 165 Cod halka Xildhibaan Maxamed Ibrahim Beyle uu helay 30 Cod oo kaliya.



























From the comments