
Gudoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in maamulkiisa xilligaan uu toos u hoostago maamulka Koonfur Galbeed, amarkana halkaasi uu ka qaadanayo.
Gudoomiyaha oo u waramayay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha ay amar buuxa ku bixisay in maamulkiisa uu halkaasi ka amar qaato, islamarkaana uu soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Shariif Xasan Sheekh Aadan waa madaxweynahayga, isaga ayaan hoostagnaa, sharciyan dowladda dhexe ma hoostagno, Dowladda ayaa amarkaasi isiisay, gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha” ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose.



From the comments