Wararka saaka ka imaanaya deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, in kastoo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo halkaasi.
Beelo wada dega deegaankan ayaa dib halkaasi ugu dagaalamay, waxaana dagaalo ay halkaasi ka dhaceen shalay iyo maalmihii ka horeeyay.
Dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay Deefoow, kadib markii ay naftooda la baqeen, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ilaa iyo xilligan aan la kala dhex galin.



From the comments