Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan in deg deg dagaalka lagu joojiyo.
Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xilligaan aanay habooneen dhiigga dadka shacabka ah oo la daadiyo.
“Waan ka xunnahay dagaaladaan ka socda Deefoow, waxaan wadnaa dadaal walba oo dagaalada lagu joojinayo, dadka waa dad walaalo ah, waana in marka hore dagaalka la joogaa, dadkuna waa dad deris ah waana in la dhowraa wax walbo oo nabadda dhib ku ah” ayuu yiri Xildhibaanka.



From the comments