Maanta waxaa imtixaamkii dhextaalka u fariisanaya illaa 4 kun oo arday oo ka tirsan jaamacadda Muqdisho sida wariyeyaasha u sheegeen maamulka jaamacadaasi oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee dalka.
Maxamed Xasan Nuur oo ah Diiwaanhayaha Jaamacadda Muqdisho ayaa warfidiyeenada u sheegey in imtixaamka uu bilaabanayo maanta oo ay taariikha ku beegantahay 3-da bisha, uuna soconayo illaa 15 bishani Janaayo.
Ardayda waxa ay imtixaamka kala galayaan labada galin, galinka hore waxa uu bilaabanayaa 8:30 subaxnimo, wuxuuna soconayaa illaa 11:30 barqonimo, halka galinka dambe uu bilaabanayo 1:30 duhurnimo illaa 4:30 casarnimo. Taasi oo ka dhigan in uu soconayo 3 saacadood oo xiriir ah.










From the comments