Akhri Magacyada Golaha Wasiirada ee Koonfur Galbeed oo Maanta La Magacaabay
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku dhawaaqay golihiisa wasiirada intii ka dhimanayd.
Afayeenka xukuumadda Koonfur Galbeed Siyaad Sheekh Cumaar Sheekh Daahir ayaa saxaafadda u akhriyey magacyada 20 wasiir oo golaha ku biiraya, wali lama magacaabin wasiir ku xigeenada taasi oo golaha ka dhigeysa mid qabyo ah.
Magacyada Wasiiradana sidatan ayay u qornaayeen
- Cabdifataax Geeseey : Wasiirka Ambniga
- Xasan xuseen maxamed : Wasiirka hub ka dhigis iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka
- Saalim xaaji Xasan Cusmaan: Wasiirka Tamarta iyo Batroolka
- Cabdiqaadir Shariif Sheekhuunaa : Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda
- Cabdinaasir Cabdi Caruush : Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
- Isaaq Cali Subad : Wasiirka Caafimaadka Caafimaadka
- Salaad Maxamed Nuur Caliyoow : Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
- Xasan Ibraahim Xasan : Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Tijnoolajiyada
- Xasan Cabdi Maxamed : Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta bulshada
- Maxamed Cumar Seytuun :Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
- Cabdulaahi Cabdi Cumar Fanax : Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
- Cabdullaahi Shekh Xasan : Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
- Axmed Nuur sheikh maxamed Loxos : Wasiirka Dib u dajinta iyo Xiriirka jaaliyadaha
- Cabduqaadir Nuur Carraale : Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka
- Cumar Aadan Xasan : Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta
- Macalin Maxamuud Maxamed (Macalin Jiis) : Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa
- Axmed Maxamed Barre :Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
- Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan : Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
- Aadan Xasan Maxamed : Wasiirka : Macdanta iyo Biyaha
- Cabdulaahi Muuse Abuukar : Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada
Dhageyso
Goobjoog News