Maamulka Degmada Afgooye Oo Lagu Eedeeyay Bixinta Xarumo Loogu Tala Galay In Dowladdu Ku Shaqeyso (Dhageyso)
Madaxii hore amaanka maamulka degmada Afgooye Mahdi Xasan ayaa ku dhaliilay maamulka degmadaasi in xilligaan ay si sharci darro ah ku bixinayaan dhul dowladda loogu tala galay in ay ku…
Published January 3, 2015
Akhris 1 daqiiqo ah
Madaxii hore amaanka maamulka degmada Afgooye Mahdi Xasan ayaa ku dhaliilay maamulka degmadaasi in xilligaan ay si sharci darro ah ku bixinayaan dhul dowladda loogu tala galay in ay ku shaqeyso.
Waxa uu sheegay Mahdi in maamulka degmadaasi uu xilligaan sameynayo warqado lagu cadeynayo lahaanshiyaha dhulalkaasi, taas oo uu ka digay waxa ka dhalan karo.
Shacabka ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ka taxadaraan iibsashada dhulka dowladda, isaga oo tilmaamay in maalin aan maanta ahayn la’isaga hor imaan doono.
From the comments