Maamulka Puntland ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan cidii ka dambeysay Qarax Miino oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay wadan baaritaano la xiriirta arintaasi, ayna doonayaan in ay gacanta ku dhigaan cidii weerarkaasi ka dambeysay.
“Howlgalada wey socdaan, waxaana rabnaa in aynu qabano cidii weerarkaasi Qaraxaasi ka dambeysay, waxaana rajeynaynaa in aynu deg deg ku qabano cid walba oo arintaan ku lug leh” ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka.



From the comments