Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arimo badan ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Danjire Mamadu Sidiku ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa uu uga horeyn uga warbixiyay shaqooyinka ay ciidamada AMISOM ka hayaan Soomaaliya iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin Nabadeynta Soomaaliya, Dhismaha iyo taakuleynta ciidamada Dowladda.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalada dalka ay ka wadaan ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka ah si loo gaaro hiigsiga 2016, gobalada dalka oo dhanna laga dhaqan geliyo.



From the comments