Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta la filayaa in uu soo dhameystiro xubnahii ka haray wasiirada maamulkaasi.
Madaxtooyada magaalada Baydhaba waxaa haatan ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay sida uu inoo soo sheegayo wariyaha Goobjoog ee magaalada Baydhaba.
Waxaa halkaasi ku qul qulaya siyaasiin iyo sidoo kale Odayaashii doortay Shariif Xasan, waxaana la sugayaa oo kaliya dhameystirka wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.



From the comments