Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka degan Tuulooyinka Buusaar , Cawsquran , Gerilley , towfiiq , Indho-ceyl iyo Daarasalaam oo dhamaantood hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ayaa la sheegayaa in xiligani ay ka jirto baahi caafimaad oo aad u daran, iyadoo dadkuna ay u dhib qabaan sidii ay ku heli lahaayeen goobo caafimaad iyo daawooyin maadama tuulooyinkaasi gabi ahaanba aysan ka jirin wax adeeg caafimaad ah.
Dhibaatada ugu daran ee xilligani ay ka cabanayaan dadka degan Tuulooyinkaasi oo u badan xoolo dhaqato ayaa waxaa ugu daran Cuduro iyo xanuuno ay ka mid yihiin , Shubanka , Malaariyada , Jadeecada , Ofwareenka , Nafaqo darida iyo haweenka oo xilliga dhalmada la kulma dhibaatooyin.
Axmed Maxamed oo ah Agaasime ku xigeenka Isbitaalka degmada Ceelwaaq oo dhowaan Booqdey Tuulooyinkaasi ayaa Wareysi uu siiyey Goobjoog ayaa waxaa uu ka deyriyey xaalada caafimaad iyo mida nololeed ee ka taagan tuullooyinkaasi oo 3dii Sanno ee ugu dambeeyey dadka ku dhaqan ay faro kulul ku hayeen abaaro iyo cuduro , isagoo mushkiladda baahida adeeg caafimaad la’aanta ku micneeyey hay’adahii iyo Ururadii bulshada ka taageeri jiray caafimaadka oo meesha ka baxay colaadaha iyo wadooyinka oo xirana wgood.



From the comments