Dhageyso:- Sheekh Abshir Cumar Cadullaahi Oo Ka Hadlay Muhiimadda Bisha Mowliid
Sanad walbo marka la gaaro Bisha Mowliidka ama Sadaxaad ee Hijriga waxa laga xusaa Dalalka Islaamka oo ay ku jirto Soomaaliya dhalashada Nabigeena Muxamma Nabad Galyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee.
in kastoo Culimada ay isku khilaafeen xuskaan , hadane waa mid si weyn looga dareemo Dalalka Islaamka marka ay bilato Bisha Mowliidka .
xuska Nabiga dhowr qaab ayaa loo dhigaa , waxaana ka mid ah in la iskugu yimaado Masaajidda ama in Kor loogu dhawaaqo Saliga Nabiga (Nabad Galyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee ) iyo sidoo kale in dadka qaar ay la baxaan Sadaqo .
Misaajidda lagu xuso dhalashada Nabiga waxaa ka mid ah Dalkeena Soomaaliya Masjidka Umu Khadiija oo ku yaala dagmada waabari ee G/ Banaadir .
Masjidka Ummu Khadiija waxa Imaam iyo Khadiib ka eh Sheekh Abshir Cumar Cadullaahi , waxa uuna u waramay wariyaheena Ismaaciil Maxamed oo isagu xalay booqday Masjidkaas xili ay ka socotay Muxaadaro dadka loogu baraarujinayay dhalashada Nabiga (Sheekh Abshir Cumar Cadullaahi), waxaana uu ka wareystay Muhiimadda iyo faa’idooyinka Bisha Mowliidka.
Halkaan hoose ka dhageyso
Goobjoog News